Xuska Maalinta Cafiska Soomaaliya


Kulan balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay laguna maamuusayay maalinta cafiska ummada Soomaaliyeed oo ku beegan 28.7.2020 ayaa lagu qabtay magaalooyin badan oo dalka iyo Dibadaba ah.

Munaasabad lagu qabtay magaalada Salo ee dhacda dhinaca koofureed ee magaalada Turku oo ah caasimadda labaad ee dalka Finland, ayaa waxaa ka qaybgalay aas aasaha ololaha Cafis Wali Xaashi iyo Dad badan oo kale.

Kasoo qeybgalayaahsa kulanka oo iskugu jira Odayaal dhaqameed, culimaa udiin, haween, caruur iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada magaalooyinka Turku iyo Salo. Madasha waxaa hadalo kooban ka jeediyay qaar kamid ah culimadii kulanka kasoo qeybgashay kuwaas oo ku dheeraaday ahmiyada maalintan cafiska ay u leedahay ummada Soomaaliyeed Soomaaliyeed ay ragaadiyeen colaado sokeeye waxaana ay ugu baaqeen ummada Soomaaliyeed Soomaaliyeed ay is cafiyaan gacmahana is qabsadaan.

Gudoomiyaha ololaha Cafis ahna aasaasaha, Wali Hashi ayaa ummada Soomaaliyeed cod dheer ugu baaqay meel waliba oo ay joogto in lajoojiyo colaadahabiyo dirirta sokeeye ee aan wax natiijo ah laga dhaxleyn sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Munaasabad lagu xusayay maalinta CAFISKA Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Muqdisho iyada oo ay kasoo qeyb galeen masuuliyiin katirsan Dowladda, masuuliyiinta Ololaha Cafis iyo Dadweyne fara badan.

Xuskan waxaa khudbado ka jeediyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir, Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Marwo Maryan Aadan Amiin, Agaasimaha dib u heshiisiinta Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Boqor Muuse, Guddoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab, Agaasimaha Guud ee Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka, Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ iyo masuuliyiin kale.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha Ololaha Cafis oo Munaasabada uga qeybgalay qadka taleefanka ayaa u mahadceliyay dhammaan ka soo qeybgalayaasha barnaamijka, asagoona kula dardaarmay in ay safiiro u noqdaan Ololaha Cafis.

Comments are disabled.

    HomeServicesShopContact