Ololaha CAFIS oo Ardeyda Iskuulada iyo Wariyeyaasha Magaalada Dhuusamareeb usoo gabagabeeyay Tababar ku saabsan Nabadda iyo Iscafinta


Ololaha CAFIS ayaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug tababar ku saabsan Nabadda iyo Iscafinta ugu qabtay Ardeyda dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare iyo qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka hawlgala Galmudug.

Guddoomiyaha Guud ee CAFIS Mudane Wali Xaashi oo ka hadlay Furitaanka Tababarka ayaa tilmaamay in ay doonayaan in Nabadda iyo Iscafinta Soomaaliya loo mari karo in Jiilka cusub lagu barbaariyo in ay noqdaan kuwo ka shaqeeya Nabadda haddii dhib yimaadana yaqaana sida looga gudbo oo la isku Cafiyo.

Tababarkan waxaa ka faa’iideystay ilaa iyo 10 Ardey kuwaas oo matalayay Iskuulada ku yaala Caasimadda Galmudug, waxaana lagu barayay muhiimadda ay leedahay Nabadda iyo faa’iidada Bulsho ee Iscafinta, iyaga oo ka qeyb galayaashu balan qaaday in ay farriimaha gaarsiin doonaan Ardeyda kale ee ay wax wada bartaan si ay horsed ugu noqoto Nabad waarta oo Mustaqbalka laga gaaro khilaafaadka dalkeena ragaadiyay.

Comments are disabled.

    HomeServicesShopContact